Giggs oo ka nixiyay jamaahiirta Man United isagoo saadaal rajo xumo ah ka bixiyay mustaqbalka kooxda

0
197

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Halyeeyga kooxda Manchester United ee Ryan Giggs ayaa xaqiijiyay in Red Devils laga yaabo inay sugto waqti dheer ka hor inta aysan mar kale ku guuleysan horyaalka Premier League.

Ryan Giggs ayaa ka jawaabay su’aasha halyeeyga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jamie Carragher, taasoo ahayd haddii uu ka cabsi qabo in Man United ay raaci doono wadadii Reds, oo taageerayaasheedu sugayeen 30 sano kahor inta aan markale loo caleemo saarin horyaalka Premier League.

Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday hadalada Ryan Giggs waxaana ka mid ahaa:

“Haa, 100%, laga yaabee 15 ama 20 sano inay dhaafi doonto, gaar ahaan hadii Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola ay sii ahaan doonaan qaabkan”.

“Xitaa Klopp waxay ku qaadatay afar sano iyo bar si uu u guuleysto. Waxay qaadataa waqti dheer. Waa inaad ku fikirtaa waxa uu sameeyay Klopp”.

“Klopp wuxuu horumariyay kooxda xilli ciyaareed kasta, wuxuuna ku guulaystay koob sida Champions League ah, kaddibna waad arki kartaa horumarka, sidaas darteed cadaadiska xoogaa waa uu yaraaday’.

“Dadku waxay arkaan in tababare kasta, iyo heshiis kasta oo cusub ay tahay wadada loogu guuleysan karo koobka Premier League, arrintuna sidaas ma ahan”.