Pjanic oo ka hadlay kaarkii roosaha ee Gerard Pique & inuu seegayo kulanka Barcelona iyo Juventus  

0
206

Laakiin Gerard Pique ayaa xalay qaatay kaarka roosaha, wuxuuna seegi doonaa kulankooda labadaan wareega group-yada ee tartanka UEFA Champions League ay kula ciyaari doonaan kooxda reer Talyaani ee Juventus 28 bishan October.

Haddaba xiddigii hore kooxda Juventus ee Miralem Pjanic haddana ah laacib ka tirsan Barcelona ayaa ka hadlay kaarka roosaha ee Gerard Pique iyo inuu seegayo kulankooda soo aadan ee Bianconeri, wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay kulanka iyo waxa aan soo bandhignay… Waa muhiim in si wanaagsan loogu bilaawdo Champions League, waa tartan aan aad u jecel nahay”.

Intaas kaddib Miralem Pjanic ayaa ka hadlay maqnaanshiyaha Gerard Pique, wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleynayaa in garsooruhu uu ka badbadiyay go’aankiisa, waana go’aanka kaliya ee ugu xumaa inta ay ciyaarta socotay, laakiin waa inaan aqbalnaa”.

“Haatan aan ka fikirno kulamada soo socda, waxaan heysanaa kulanka El Clasico ee Real Madrid, kaddibna waa inaan aadnaa Turin si aan ula ciyaarno Juventus, waxay noqon doontaa howl adag, laakiin diyaar ayaan u nahay”.