WARBIXIN: 10-ka Xiddig Ee Goolasha Ugu Badan Ku Lug Leh Sanadka 2024.

0
74

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddigaha waaweyn ee Liverpool,Man City,Real Madrid,Barcelona,Chelsea iyo Bayern Munich ayaa ku jira weeraryahanada ugu halista badan sanadka 2024.

ku lug lahaanshaha goolasha hadii ay tahay gooldhalinta ama caawinta ayaa ah wax ay ku wanaagsan yihiin xiddigaha kubada cagta.

sanadka 2024 waxa jira xiddigo badan oo ku lug lahaa gooldhalinta iyo waliba caawinta ugu badan horyaalada ugu waaweyn yurub.

hadaba halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ku lug leh goolasha ugu badan sanadka 2024.

1.Harry Kane – 37 (26 gool, 11 caawin):

Xiddiga reer England ayaa ku jira xilli ciyaareed kale oo cajiib ah isaga oo ku raaxaysanaya goolasha iyo caawinta kooxdiisa.

Kane ayaa ilaa haatan sanadka 2024 ku lug leh 37 gool isaga oo dhaliyay 26 gool halka uu caawiye ka noqday 11 gool.

2.Cole Palmer – 33 (21 gool, 12 Caawin):

Xiddigii hore ee Man City ayaa wacdaro ku dhigaya kooxda chelsea tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo sanadkan ku lug leh 33 gool isaga oo dhaliyay 21 isla markaas caawiye ka noqday 12 kale.

3.Robert Lewandowski – 31 (25 gool, 6 Caawin):

Khabiirka reer Poland ayaa u muuqda mid ayna da’du joojinayn waxana uu ilaa haatan sanadka ku lug leeyahay 31 gool isaga oo dhaliyay 25 gool 6 kalena caawiye ka noqday.

4.Vinicius Junior – 30 (19 gool, 11 Caawin):

Inkasta oo uu ku fashilmay in uu ku guulaysto abaalmarinta Ballon d’Or hadana xiddiga Vinicius Junior ayaa ahaa mid saamayn weyn leh isaga oo ku lug lahaa 30 gool isaga oo dhaliyay 19 gool isla markaas caawiye ka noqday 11 kale.

5.Omar Marmoush – 28 (16 gool, 12 Caawin):

waxa la odhan karaa waa xiddiga ugu fiican ilaa haatan xilli ciyaareedka waxana uu sanadkan ku lug leeyahay 28 gool isaga oo dhaliyay 28 gool halka uu caawiye ka noqday 12 kale.

6.Alexander Sorloth – 27 (21 gool, 6 Caawin)

7.Erling Haaland – 26 (25 gool, 1 assist)

8.Jonathan David – 25 (21 gool, 4 Caawin)

9.Lois Openda – 24 (18 gool, 6 Caawin)

10.Mohamed Salah – 23 (14 gool, 9 Caawin)