Mareykanka iyo Turkiga oo ka wada hadlay xaaladda dalka Suuriya.

0
50

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa wadahadallo ku saabsan sidii xasilooni looga soo dabaali lahaa dalka Suuriya dalka Turkiga kula yeeshay madaxweyne Erdogan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay, in labada mas’uul ay taageereen isbedel siyaasadeed oo ay Suuriya hormuud ka tahay oo horseedaya dowlad la xisaabtan iyo mid loo dhan yahay.

Booqashada Blinken ee Turkiga, ayaa qeyb ka ah safar uu ku marayay qaar kamid ah dalalka deriska la ah Suuriya.