Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose waxaa ay kamid tahay meelaha Daadadku saameynta laxaadka leh ku yeeshaan iyadoo Magaalada ay soo galeen Biyo aad u xoggan kuwaasi oo ka yimid dhanka Dalka Kenya waxaana taasi ka dhashay Barakac aad u badan iyo sido kale in uu gabi ahaanba inta badan uu istaago Dhaqaqaaqa Guud ee Degmada.
Qaar kamida Haweenka ku nool Magaalada Dhobley oo wareysi siiyay Idaacadda Sanguuni ayaa ugu Baaqay Maamulka Hay’adaha Samafalka iyo cid kaste oo wax heysta in la caawiyo dadka danyarta ah ee ka barakacay Guryahooda islamarkaana ay saameynta ku yeeshaan Daadadku kuwaasi oo xiligan wajahaya xaalado adag oo Dhanka nolosha.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa warbixintan ku eegaysa