Diyaarad Ruushku lahaa oo burburtay oo la ogaaday in aanay cidina ka badbaadin dad kii saarnaa

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxaha gurmadka ee bariga fog ee dalka Ruushka ayay san u suurtagalin in ay helaan cid ka badbaaday burburka diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo ay saarnaayeen 22 qof oo u badan dalxiisayaal.

Diyaaradda ayaa la waayay Sabtidii kaddib markii ay ka kacday garoon diyaaradeed oo ku dhaw magaalada Vachkazhets ee jasiiradda Kamchatka.

Goobta oo caan ku ah dalxiisayaasha, ayaa waxa kaloo lagu arkaa qarxyada Foolkaanada oo aalaaba ku soo laalaabata dhulkaas, laakiin illaa hadda ma cadda sababta burburka diyaaradda keentay.

Shillalka noocan ah ayaa ku soo laablaabta bariga fog ee Ruushka, waxana ka jirta xiliyada qaar cimilo xun. Sedex sano kahor 8 ayaa dhintay markii dyaarad siday dalxiisayaal ay ku burburtay haro ku taala Kamchatka.

Diyaaradda burburtay ayaa ahayd Mi-8T waxana raadaarka laga waayay Sabtidii iyadoo sida 19 dalxiise iyo sedex shaqaale ah.

Burburka diyaaradda ayaa laga helay maanta oo Axada hilly, sida uu aaladda Telegram uu soo dhigay gudoomiyaha gobolka Kamchatka Vladimir Solodov.