Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Haweenka Arimaha Qoyska iyo Xuququl Insaan Jubbaland oo ay wehlinayaan Haweenka gobolka iyo Degmada Kismaayo ayaa deeq gar-gaar ah ku wareejiyay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaqootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland Maxamed Sheekh Khadar.
Deeqdan oo isugu jirtay Maacuun, Bacaha asheerka iyo Timir ayaa loogu talagalay Qoysaskii ay saameeyeen fatahaadda iyo robabka dayrta ee ka da’ay deeganada dhanka Waqooyi ka xiga Magaalada Kismaayo.
Deegaanada Luglow ilaa Deegaanka Xaaji Weyne ayaa waxa dib u dajin loogu sameeyay qoysaskii laga soo bad-baadiyay fataahadda Webiga Jubba uu ka gestay gud ahaan deegaanada dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Kismaayo.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa