Aqalka sare oo ansixyey sharciyo muhiim u ah dalka.

0
17

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo uu wehelliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 23-aad iyo 24-aad oo ajandihiisu ahaa:

1- Akhrinta saddexaad iyo u codaynta Hindise Sharciyeedka Tacliinta Sare,

2- Akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir-beereedka

3- Akhrinta labaad ee sharciga Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka

Ugu horrayn, waxaa la gudagalay ansixinta sharciga Tacliinta Sare ee dalka, ka dib markii Guddoomiyaha Guddiga arrimaha Bulshada Aqalka Sare Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle uu Sanatarrada la wadaageen xogta akhrinta labaad iyo sida ay u soo qaabeeyeen sharciga Tacliinta Sare, waxaana intaas ka dib codka kalsoonida siiyay 28 Sanatar, wax diiday ama ka aamusayna ma jirin.

Ajandahaas markuu xirmay, waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciyada Abuurka iyo Noocyada Ayniga Dhir-beereedka iyo akhrinta labaad ee sharciga Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka, waxaana dood iyo falanqayn ka dib la isla qaatay in labadaas sharci oo muhiim gaar ah u leh dalka, isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Sanatarrada qaar.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa cod geliyay soo jeedinta Sanatarrada qabay in islamaanta labadaas sharci akhrinta Saddexaad la marsiiyo, sidaas ayayna ku oggolaadeen Sanatarradii kulanka soo xaadiray, waxaana intaas kadib la sameeyay ajande cusub oo lagu ansixinayo labada sharci, 27 Sanatar ayaa oggolaaday hal Sanatar ayaa ka aamusay, wax diidayna ma jirin, sidaas ayayna labadaas sharci isla maanta uga gudbeen Golaha Aqalka Sare.

Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kulanka maanta goobjoog ahaa, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare iyo Guddiyadii ka shaqeeyay sharciyada maanta la ansixiyay uga mahad celiyay, sida wanaagsan oo ay turxaan bixinta iyo toosinta ugu sameeyeen sharciyada loo ansixiyay oo muhiimad gaar ah u leh dadka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed.