Maraykanka oo Madaxweyne u aqoonsaday madaxa Mucaaradka ee Venezuela.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay hoggaamiyaha mucaaradka ee waddanka Venezuela Edmundo Gonzalez u aqoonsantay inuu yahay Madaxweynaha la doortay ka dib codeyntii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo xubnaha mucaaradka ee Venezuela ay madaxweyne Nicolas Maduro ku eedeyeen inuu si been abuur ah u sheegay inuu ku guulaystay doorashada.

Maamulka Maduro ayaa diiday inuu soo bandhigo macluumaadka xaqiijinaya guushiisa.
Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa qoraal ku sheegay in shacabka Venezuela ay 28-kii July rabitaankooda si wayn u muujiyeen oo ay madaxweyne u doorteen Edmundo Gonzalez.