Dalka Sweden oo kumanaan doollar siinaya dadka dalalkooda dib ugu laabanaya.

0
59

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Sweden ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin lagu dhimayo tirada dadka soo galootiga ah ee dalka ku sugan.

Sannadka 2026-ka, dalka sweden ayaa siin doona qof kasta oo ajnabi ah oo dalkiisa dib ugu laabanaya lacag dhan 350,000 oo karoon Swedish ah oo u dhiganta $34,000, sida ay hay’adda socdaalka ee dalkaas ku sheegtay shir jaraa’id.

“Waxaan qorsheyneynaa inaan keeno xoogaa isbedel ah,” ayuu yiri wasiirka socdaalka, Johan Forssell.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Ulf Kristersson, ayaa horey wacad ugu maray inuu dhimi doono socdaalka markii uu xafiiska la wareegay 2022-kii.

Dalka Sweden ayaa tan iyo sanadkii 1999-kii qaabiley dad badan oo soo galooti ah, kuwaas oo u badan dad ka yimid wadamada ay dagaalada ka socdaan sida Syria, Afghanistan, Soomaalia, Iran iyo Iraq.