Tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan adduunyada waqtigan oo la shaaciyey

0
74

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan adduunyada waqtigan ayaa la shaaciyey, waxaana uu hoos u dhac weyn ku yimid xiddiga kooxda Paris Saint-Germain iyo xulka France ee Kylian Mbappe oo lumiyey boosaska sare, isaga oo u dhaadhacay kaalinta tobnaad.

Mbappe oo muddo ahaa ciyaartoyga ugu qiimaha badan kubadda cagta ayaa waxa dhaafay sagaal ciyaartoy oo kale, sida ay shaacisay shabakadda cilmi-baadhista iyo qiimaynta  kubadda cagta ee CIES oo maanta daabacday liiska ciyaartoyda ugu qiimaha badan kubadda cagta.

Weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland ayaa kaalinta koowaad ku jira oo uu qiimihiisa suuqu marayaa €245 milyan oo Euro, kaddib markii uu bandhig heersare ah ka sameeyey horyaalka Premier League oo uu jabiyey rikoodhkii gool-dhalinta xilli ciyaareedkiisii koowaad.

Waxa kaalinta labaad ku jira xiddiga Real Madrid ee Vinicius Junior oo €196 milyan oo Euro uu qiimihiisu yahay, waxaana uu waxyar ka horreeyaa da’yarka Arsenal ee Bukayo Saka oo uu qiimihiisu marayo €195 milyan oo Euro.