Dhalinyarada ka shaqeeya maqaayadaha lagu sameeyo cuntooyinka oo ka hadlay sida ay noloshooda uga maareeyaan.

0
141

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kashaqaynta cunto karinta ma ah wax sahlan waxayna u baahantahay midaynta maskax, muruq iyo dadaal dhiiri ah.Waxaa jiro  dhalinyaro ku nool dagmada dhoobley oo noloshooda iyo tan qoyskoodaba ka soo saarta karinta cuntooyinka kala duwan halka kuwa kalana ay yihiin kuwa dalabka ka soo qaada macaamiisha una geeya shay yadii ay dalbadeen oo ay bulshada soomaaliyeed u taqaano waytar oo la micnaa adeeg geye kuwaa oo ka shaqeeya maqaayadaha dagmada dhoobley.

Hadaba qaar kamid ah dhalinyaradaasi oo aan waraysi la yeelanay ayaa inooga warbixiyay shaqadooda iyo caqabadaha ay lakulmaan iyagoona inoo sheegay in shaqadan ay dhib badan tahay balse ay u dhabar adeegeen  maadama ay tahay shaqadan mid ay nolashooda iyo tan qoyskoodaba ay ku maareeyaan.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya.