Wasaaradda Caafimaadka oo tababar u soo gabo gabeysay xirfadlayaal caafimaad

0
154

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni) Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gaba gabeysay tababar 5 maalmood socday oo heerkiisu aad u sareeyo, kaa soo lagu baranaayey sida loo maareeyo dhaawacyada culculus.

Tababarkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay 24 xirfadlayaal oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal ka socday maamul goboleedyada dalka.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyo Tababarada Dr. Maaxmed Xasan Calasow ayaa Xirfadlayaasha guddoonsiiyay shahaado ka qaybgalaka tababarka, isagoo u mahadceliyay dhamaan kasoo qeyb galayaasha iyo macallimiintii bixinaysay tababarka.

Tababarkan ayaa waxaa iska kaashaday Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Fedearaalka Soomaaliya, Xafiiska Haay’ada Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya (WHO) iyo xafiiska EMRO (Eastern Mediterranean Region).