Koofur Afrika oo la Murugeysan Geerida Boqorka Zulu

0
170

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dadweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa ka tacsiyadeynaya geerida boqorka Zulu, Goodwill Zwelithini oo Jimcihii geeriyooday.

Boqorka oo 72 jir ahaa ayaa bishii hore xanuun awgii loo dhigi cusbitaalka ayaa la sheegay in uu u geeriyooday xanuunka macaanka.

Boqor Zwelithini oo ahaa boqor dhaqameed saamayn weyn ku leh Koofur Afrika ayaa hoggaamin jiray qowmiyadda Zulu oo ah qowmiyadda ugu ballaaran dalkaas.

Koofur Afrkia oo ah dal ilbax ah ayay boqorro dhaqameedyadu ku dhex leeyihiin kaalin mug leh dhanka dhaqanka, dabbaaldegyada iyo arrimaha ruuxiga ah intaba.

Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ka tacsiyadeeyay geerida boqorka oo u uku tilmaamay mid gilgishay quluubta dadka Koofur Afrika. Madaxweynaha ayaa sheegay in boqorka lagu xusuusan doono kaalintii u uku lahaa ilaalinta dhaqanka, midnimada iyo horumarinta dhaqaalaha ee ismaamulka KwaZulu-Natal ee uu hoggaamiyaha u ahaa.

Sidoo kale dowladda Koofur Afrika ayaa boqorka geeriyooday ku ammaanay kaalintii u uku lahaa la dagaallanka xanuunka HIV/AIDS ee dalka Koofur Afrika.