8 Xiddig Oo Dhaawac Loog Saaray Waajibaadka Xulka Qaranka England.

0
66

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Labo ciyaaryahan oo ka tirsan Arsenal iyo labo ka tirsan Man City ayaa ka mid ah sideed xiddig oo laga saaray kulamada xulka qaranka England ee fasaxa xulalka.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Three Lions ayaa hogaamin doona kulamadii ugu dambeeyay ee xulka ka hor inta aanu Thomas Tuchel si rasmi ah u la wareegin bilawga January.

England ayaa Khamiista la ciyaari doonta Greece kulankooda ugu dambeeya ee UEFA Nations League, seddex maalmood ka hor inta uusan Carsley xukunkiisa ku soo afjarin gurigooda Republic of Ireland.

Iyaga oo 9 dhibcood ka helay afar kulan oo ka tirsan Group B ee Group 2, England ayaa hadda ku jirta kaalinta labaad iyaga oo ka dambeeya hogaamiyayaasha Greece kuwaas oo si toos ah ugu gudbi doona League sida ay wax yihiin.

Carsley ayaa xaqiijiyay 26-cayaaryahan ee uu kaga qayb galayo kulamada laakiin waxa liiska laga saaray 8 xiddig.

Xiddigaha Aaron Ramsdale, Cole Palmer, Bukayo Saka, Declan Rice, Levi Colwill, Trent Alexander-Arnold, Phil Foden & Jack Grealish Ayaa dhamaantood isaga baxay waajibaadka xulka England sabab la xidhiidha dhaawacyo.