Soomaaliya oo ka qayb gashay shirweynaha Hay’adaha isgaarsiinta adduunka (GSR-2024),

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-2024), kaas oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU). Shirkan oo lagu qabtay Magaalada Kambaala ee dalka Yugandha, ayaa waxaa isugu yimid madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, iyagoo isku dhaafsanaya waayo-aragnimadooda la xiriirta horumarradii ugu dambeeyay ee nidaaminta qeybaha isgaarsiinta iyo teknolojiyada.

Mudadii uu socday shirku waxaa uu maareeyuhu ka qeybgalay dhowr dood-cilmiyeed oo looga hadlay hababka sameynta xeer-nidaamiyaal waxtar leh oo suurtogelinaya nidaam isgaarsiin oo dijitaal ah oo ammaan ah islamarkaana loo dhanyahay iyo xalalka caqabadaha⁠ nidaaminta isgaarsiinta ee sahlaya kobaca dhaqan-dhaqaale ee dalalka.