Shacabka Britain oo saaka u dareeraya doorashada baarlamaaniga

0
18
A polling station direction sign is attached to a street sign near to Westminster Abbey, ahead of general elections, in London, Britain July 3, 2024. REUTERS/Maja Smiejkowska

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dalka Britain, waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay, iyada oo si aada loo saadaalinayo in xisbiga mucaaridka ah ee Shaqaalaha uu guul weyn kasoo hoyn doono.

Xisbiga talada haya ee Muxaafidka ayaa Arbacadi shalay qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta, iyaga oo ka digay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono kuraasti ugu badneyd ee baarlamaanka marki ugu horreysay taariikhda Ingiriiska.

Keir Starmer oo ah mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa lagu wadaa in uu noqdo ra’isulwasaaraha soo socda ee Britain.

Ra’iyi ururinti u danbeeysay ee soo baxday Arbacadi shalay ayaa muujisay in xisibiga Shaqaalaha ee siyaasaddiisu tahay bidix-dhexe uu soo gaba gabeyn doono 14 sannadood oo uu xisbiga Muxaafidka talada hayay. 212 kursi ayaa la filayaa in ay ku guuleystaan mucaaridka, taasi ayaa noqon doonta tiradi ugu ballaarneyd oo uu hal xisbi ka helo doorashada baarlamaanka Biritain abid.

Hogaamiyaasha labada xisbi, Starmer ra’isulwasaare Rishi Sunak ayaa shalay qabtay ololihhii ugu danbeeyay ee doorashada, ka hor inta aysan shacabka Ingiriiska maanta u dareerin sanaadiiqda codadka.

Haddii laga badiyo, Sunak ayaa soo gaba gabeyn doona 20 bilood oo uu xakumayay Ingiriiska, kaddib marki uu jagada xafiiska ra’isulwasaaraha ku yimid xulashada mudanayaasha baarlamaanka ee xisbiga Muxaafidka.