Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo ku baaqay joojinta dagaal beeleedyada ka socda Qeybo Kamid ah dalka

0
15

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gudiga dibu heshiisiinta Qaranka oo Maanta Shir jaraa’id ku Qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay Dagaal beeledyada ka soo cusboonaaday Qeybo kamid ah Gobolada Dalka.

Gudiga ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ee ku dagaalamaya Qaar kamid ah Gobolada Dalka oo ay ku jiraan Mudug iyo Galgaduud iyo Qeybo kamid ah Shabeelooyinka.

Guddoomiyaha Gudiga Dibu heshiisiinta Qaranka
Ismaaciil Macalin Muuse ayaa Sheegay ka gudi ahaan in ay dalabanayaan in si dag dag ah loo joojiyo Dagaal Beeledyada Gaar ahaan kuwa ka socoda Galgaduud lana qaato wan waanta ay wadaan madaxa iyo dhaqanka Galmudug.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya