Erik Ten Hag Oo Go’aan Cad Ka Gaaraya Mustaqbalka 27 Jir Hadda La Qabsaday Mowjadda Culus Ee PremierLeague.

0
14

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhowdahay inay go’aan kama dambays ah ka gaadho mustaqbalka Sofyan Amrabat.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Morocco ayaa xagaagii hore amaah ugu soo dhaqaaqay kooxda Fiorentina, waxaana uu u saftay 30 kulan xilli ciyaareedkii 2023-24.

 Man United ayaa haysata ikhtiyaar ay ku iibsan karto 27 jirkaan xagaagan, laakiin wali ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay kooxda marka ay timaado mustaqbalkiisa.

go’aanka Red Devils ay gaarayso ayaa kusoo aadaya iyadoo hadda la xaqiijiyay imaatinka Dan Ashworth oo ah agaasimaha cusub ee ciyaaraha.

Warbixinta ayaa sheegtay in Tababare Erik ten Hag uu la hadli doono Ashworth agaasimaha ciyaaraha, Jason Wilcox agaasimaha farsamada iyo madaxa fulinta Cumar Berrada ka hor inta aan go’aan kama dambays ah la gaarin.

Amrabat ayaa weli ku jira bogga kooxda koowaad ee  Man United, taasoo muujineysa inuu sii joogi karo, maadaama Brandon Williams, Raphael Varane iyo Anthony Martial aysan hadda liiska ku jirin, kuwaasoo la fasaxay.

Ten Hag ayaa la rumeysan yahay inuu taageersan yahay in Moroccan-ka lagu sii hayo Old Trafford, isagoo bilaabay inuu soo bandhigo qaab ciyaareed cajiib ah marxaladihii dambe ee ololahii 2023-24.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa ugu soo bilowday  Man United seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League xilli ciyaareedkii 2023-24 ka.

Amrabat ayaa laga soo hormariyay Casemiro si uu kula soo bilowdo Bruno Fernandes iyo Kobbie Mainoo finalkii FA Cupka, agaasimaha isboortiga Fiorentina Daniele Prade ayaa dhawaan sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ay ka go’an tahay inuu baaqi ku sii ahaado Premier League.

“Waxaan ku hayn lahaa Florence laakiin uma eka waxa uu niyadda ku hayo,” Prade ayaa u sheegay suxufiyiinta. “Waxan u malaynayaa in uu doonayo in uu sii joogo horyaalka premier League laakiin wali kamaanu maqalin isaga”.

Donny van de Beek ayaa la hubaa inuu xagaagan isaga tagi doono Old Trafford, halka Casemiro iyo Christian Eriksen sidoo kale si aad ah loola xiriirinayo inay ka tagayaan kooxda.