Xaalad cakiran oo ka taagan waqooyiga Hindiya iyo tirada dhimashada oo sii kordhaysa

0
15

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ugu yaraan 116 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday goob uu ka socday shir-diimeed oo ku taalla waqooyiga Hindiya, sida uu sheegay Jeneraal Shalabh Mathur oo warbaahinta la hadlay. Goobta falku ka dhacay ayaa lagu magacaabaa satsang, waxaana kulan-diimeed ku lahaa dadka Hinduuga ah.

Ilaa iyo hadda faahfaahin badan lagama bixin waxa sababay isbuurashada keentay dhimashada badan, waxaase socda baaritaan lagu ogaanayo sida guud ee wax u dhaceen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in goobta uu ka jiray kuleyl badan iyo ciriiri, taasoo loo maleynayo in ay qayb ka tahay musiibada dhacday.

Muuqaallo laga soo duubay halka wax ka dhaceen ayaa muujinaya is dhex yaac badan oo meesha ka jiray, dad ilmeynaya, iyo qaar loola cararayo goobaha caafimaadka.