Madaxwaynaha Galmudug oo kulan la yeeshay odoyaasha ka qayb-galaya shirka nabadaynta ee Dhuusamareeb ka socda

0
6
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada beel ee kasoo kala jeeda Xeraale iyo Cabudwaaq, isagoo bogaadiyay hisiishka horudhaca ah ee shalay ay gaareen, isla markaana kula dardaarmay in si buuxda loo dhammeystiro qaybaha haray hishiiska.
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka, mudanayaal ka tirsan goloyaasha Dowladda Galmudug iyo odayaashada labada beel iyo culimaddii garwadeenka ka aheyd hishiiska.
Khadar Axmed Salaan.ayaa fah-faahinaya