Xisbiga Midigta Fog oo ku guuleystay wareega hore ee Doorashada Faransiiska

0
13
Marine Le Pen, French far-right leader and far-right Rassemblement National (National Rally - RN) party candidate, speaks to journalists after partial results in the first round of the early French parliamentary elections in Henin-Beaumont, France, June 30, 2024. REUTERS/Yves Herman

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Natiijo hordhac ah oo kasoo baxday wareega koowaad ee doorashada baarlamaaniga dalka Faransiiska ee dhacday Axaddii shalay ayaa muujineysa, in uu ku guuleystay xisbiga midigta fog ee RN ee ay hogaamiso haweeneyda mayalka adag Marine Le Pen.

Inkasta oo natiijada rasmiga ah ay ku xirnaan doonto maxsuulka wareegga labaad ee doorashadan oo la qaban doono todobaadka danbe, ayaa haddana sida ay warbaahinta maxalliga ah ee Faransiiska iyo kuwa caalamiga ahba ay ku warramayaan, in xisbiga RN uu doorashadi shalay ka helay codad dhan boqolkiiba 34.

Tani ayaa dhabarjab weyn oo siyaasadeed ku ah madaxweyne Emmanuel Macron oo horraantii bishaan iclaamiyay doorashadan laga soo hormariyay waqtigeedii caadiga ahaa, kaddib jabki dharbaaxadi xisbigiisa kasoo gaartay doorashadii Baarlamaanka Yurub.

Isbaheysiga Wadajirka ee uu qeybta ka yahay xisbiga madaxweyne Macron ayaa lagu wadaa in doorashadi shalay ay ka helaan codad dhan 20.5% ilaa 23%. Isbaheysiga NFP ee dhinaca bidixda ayaa iyaguna doorashada ka helay codad dhan 29% sida ay muujinayaan natiijooyinka hordhaca ah.

Sida la saadaalinayo, xisbiga RN ee midigta fog ee ay hogaamiso Marine La Pen ayaa la filayaa in doorashada todobaadka danbe ee wareegga labaad uguna danbeeya uu guulo kale ka keeno.

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warrantay, in La Pen ay awoodi doonto in ay xukuumad soo dhisto, haddii ay heshiis awood qeybsi ah la gaarto mid ka mid ah axsaabta kale.