Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda 1-da Luulyo

0
12

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin gaar ah oo xusuus iyo sharaf u leh dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalintii dalkeenna uu ka xoroobay gumeysiga isla markaana gobannimada iyo dowladnimada ay ka hanaqaadday dhammaan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay shacabka in ay sii xoojiyaan isku duubnida iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda kala dhaxaysa, si loo gaaro horumar iyo nabad waarta.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda, midnimada iyo madax bannaanida dalkeenna, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Mudane Xamsa wuxuu shacabka ugu baaqay in ay u dabaal degaan maalintaan qiimaha badan si nabad ah oo muujinaysa qiimaha iyo qadarinta weyn ee ay leedahay xornimadu.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay horumarka iyo isbeddelada waaweyn ee dalka ka socda, isagoo rajo weyn ka muujiyey in Soomaaliya ay gaari doonto mustaqbal ifaya oo ka tarjumaya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.