Muxuu Salka Ku Haaya Dagaalkii Dhex Maray Declan Rice Iyo Tababaraha Slovakia Iyo Gacan Ka Hadal Dhacay Dhamaadkii Ciyaarta

0
5

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga England Declan Rice ayaa u sheegay tababaraha Slovakia Francesco Calzona inuu iska aamuso oo uu iskadaayo xanaaqa ka dib markii xulka seddexda libaax ay xaqiijiyen inay u gudben wareega 8da ee Euro 2024 fiidnimadii Axada.

England ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed kale oo aan fiicneyn oo ay kaga hortagtay koox ku jirta kaalinta 45-aad ee adduunka, waxaana ay qeybta hore awoodi waayen inay ka jawaaban gool uu qeybta hore ka dhaliyay Ivan Schranz.

Saddexda libaax ayaa u muuqday kuwo ka haraaya tartanka iyaga oo ku dhibtoonayay in ay abuuraan fursado dhamaadka ciyaarta.

Laakiin Jude Bellingham ayaa ka badbaadiyay ceebta dalkiisa ku habsan lahayd markii uu dhaliyay gool islaab ah, taas oo uu ku qasbay in ciyaarta waqti dheeri ah lesla aado.

Harry Kane ayaana la yimid goolka guusha daqiiqadii ugu horeysay ee waqtiga dheeriga ah ee ciyarta lagu daray.

Ka dib markuu garsoorka uu yeeriyay seeriga , tababaraha Slovakia Calzona wuxuu la hadlay garsoore Umut Meler si uu u muujiyo aragtidiisa ciyaarta.

Rice-na ma uusan dooneynin inuu u ogolaado 55-jirka inuu la sheekeysto garsooraha, wuuna dhex galay wuxuuna bilaabay inuu ku qeyliyo tababaraha Slovakia.

Calzona oo xanaaqsan ayaa Rice laabta ka riixay, xiddiga Arsenal ayaana ku qeylinayay “aamus”.

Rice oo xanaaqsan ayaa waxaa dib u celiyay saaxiibkiis ay isku kooxda yihiin ee Aaron Ramsdale isagoo sii waday inuu ku qeyliyo maamulaha Slovakia.

Xulka qaranka England ayaa wareega 8da ee Euro 2024 la ciyaari doona xulka Switzerland kadib guushii ay ka gaareen xulka Slovakia.