Goolkii Badbaadiyay Southgate, Mucjisadii Dhacday Iyo Spain Oo Laga Yaaban Yahay

0
6

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Jude Bellingham ayaa bad baadiyay ceeb sharaf dhac ku habsan lahayd Xulka Seddexda Libaax ee England Kadib markii uu daqiiqadihii ugu dambeyay ee ciyaartii England iyo Slovakia uu dhaliyay gool Ingiriiska kusoo celiyay nolasha.

Slovakia Ciyaarta iyaga ayaa ugu cad cada, waxayna ku dhawayen inay guul cajiiba gaaran balse wqx walba waxay is bedelen dhamaadkii ciyaarta.

England ayaa haysatay 86 ilbiriqsi oo kaliya si ay uga badbaadaan ceeb weyn oo kasoo gaari lahayd Slovakia.

Hadii England guuldaro xaabsan lahayd hubaashii waxay noqon lahayd dhamaadka waqtigii Gareth Southgate balse gool cajiib ahaa oo islaab aha uu dhaliyay Bellingham ayaa badbaadisay Southgate.

Bellingham waxa uu Sabtidii u dabaal degay dhalashadiisa 21aad, wuxuuna goolkiisa kaga farxiyay taageerayaasha England ee niyad jabsana.

Jamaahiirta England ayaa aamusnaan ku cabirayay dareenkooda ku aadana labadii ciyaarood ee la soo dhaafay ee Denmark iyo Slovenia oo ay ingiriisku bandhig liita sameeyen, xitaa sidoo kale waxay ku oorinayen Magaca Southgate.

Ciyaartoyda England ayaa si toos ah lagu jeesjeesay waqtigii nasashada – fadeexad iyo weji gabax ayeena noqon lahayd  haddii Slovakia ay guul gaari lahayd.

England waxay wareega xiga ku aaday xulka Switzerland, waxayna sabtida ku ciyaarayan magaalada Dusseldorf.

Dhinaca kale Spain ayaa u gudubtay wareega xiga ee tartanka euro 2024 kadib markii ay burburisay xulka Georgia.

Georgia ayaa markeliya ka yaabiyay dadkii ku sugna garoonka Cologne markii ay si lama filaan ah hogaanka ugu qabteen 18 daqiiqo gudahood.

Daafaca xulka qaranka Spain ee Robin le Normand ayaa kubad uu soo karoosay Otar Kakabadze shabaqa dhex dhigay oo iska dhaliyay.

Ciyaartoyda Georgia gookaasi waxay gelisay kalsooni laakiin cadaadiska neefsiga lahayn ee Spain ayaa ugu dambeyntii keentay in khadka dhexe ee  Manchester City Rodri uu darbo ku garaacay goolhayaha Giorgia Mamardashvili taaso ciyaarta ka dhigtay bar bardhac.

Spain ayaa halkeeda ka sii waday weerarka, iyagoo sameeyay fursado aan la soo koobi karin, waxaana fursadahasi ka faa’ideystay Fabian Ruiz kadib markii uu madaxa ku dhaliyay kubad uu soo qaaday Lamine Yamal oo 16 jir ah.

Si kastaba Nico Williams iyo Dani Olmo ayaa dilay ciyaarta oo dhaliyay goolasha 3aad iyo 4aad.

Spain waxay ku aaday oo ay  oo jimcaha magaalada Stuttgart ku kulmi doonan xulka koobka martigelinaya ee Jarmalka.