Halka Anthony Gordon Ka Gali Karo Shaxda Liverpool Hadii Uu Ku Biiro Reds Xagaagan.

0
6

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto Newcastle si ay u hesho saxiixa xiddiga Anthony Gordon.

Heshiiska ayaan wali la gaarin laakiin waxaa la fahamsan yahay in Reds ay aad u dooneyso xiddiga heerka caalami ee dalka England, islamarkaana uu u furan yahay inuu u dhaqaaqo Anfield.

Gordon waa weeraryahan bidix sidaas darteed haddii uu yimaado, waxa uu booska dhanka bidix ee weerarka Reds kula tartami doona Luis Diaz, Cody Gakpo iyo Diogo Jota.

Haddii uu ku soo bilowdo shaxda waxa uu booska kala bixi karaa Luis Diaz ama  Cody Gakpo.