Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq oo waraaqaha aqoonsiga laga gudoomay.

0
12

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq Mudane Cabdiladiif Jamaal Rashiid ayaa waraaqaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.

Safiir Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa salaan uu ka waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud gaarsiiyay Madaxweynaha dowladda Ciraaq, una sheegay in xariirka labada dal ee walaalaha ah la sii xoojin doono.

Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Ciraaq ayaa horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta XF Soomaaliya.