Iran iyo Sweden oo maxaabiis is dhaafsaday

0
14

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladaha Sweden iyo Iran ayaa Sabtidi shalay is-dhaafsaday maxaabiis ay muddo sannado ah kala hayeen.

Sweden ayaa sii deysay sarkaal hore oo Irani ah oo lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa dil wadareed dhacay sanadihii 1980-meeyadii, halka ay Iran sii deysay laba qof oo Swedish ah oo halkaas ku xirnaa.

Isdhaafsiga maxaabiista ayaa waxaa dhexdhexaadisay dowladda Cumaan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas. Bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in dadagaalka Cummaarn uu keenay in labada dhinac ay ku heshiiyaan sii deenta dadka ay iska hayeen.

Cuman waxay kaloo sheegtay in muwaadiniinta la is-dhaafsaday laga soo kala wareejiyay Tehran iyo Stockholm.

Sweden ayaa sii daayay Haamid Nuuri, oo lagu helay dambi ah inuu qayb ka ahaa dil wadareed oo lagu fuliyay maxaabiista siyaasadda ee Iran sanadkii 1988.

Wakaalada wararka ee Iran ayaa baahisay muuqaalka Noury oo ka soo degay garoonka diyaaradaha Mehrabad ee Tehran halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qoyskiisa roog cas, gelinkii danbe ee shalay.

Dhinaca kale, Muwaadiniinta Swedishka ah ee kala ah Johan Floderus iyo Saciid Caziizi, oo ku xirnaa Iran, ayaa la sii daayay, waxaana dib loogu celiyay Sweden oo ay soo gaareen galinkii dambe ee Sabtidii.