Dadka reer Gaza oo u ciidaya si ka duwan ciiddii hore

0
16

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xagaagi hore, dadka reer Falastiin ee ku nool Marinka Gaza ayaa si farxad leh ugu dabaal-dagay maalinta Ciidul Adxaa, iyaga oo qoysaska, qaraabada iyo asxaabta ay wadaageen farxadda maalintan barakeysan.

Carruurta ayaa ku ciiday dhar qurxoon, haddiyooyin ayaa loo wadaajiyay, qoysaska kuwa wax heysta xoolihi udxiyada ee ay gowraceen ayay la qeybsadeen qoysaska tabarta daran.

Laakin, sannadkaan, kaddib siddeed bilood oo dagaal lagu hoobtay oo ay ciidamada Isra’il ku ekeeyeen Marinka Gaza iyaga oo sheegay in ay baacsanayaan Xamaas, ayay qoysas badan quud ahaan u cunayaan cunto gasacadeysan oo aanan ku filneyn isla markaana ku nool teendhooyin ciriiri ah.

Ma jiro hilib laga helayo kawaanka ama suuqyada maxalliga ah, carruurtuna ma heystaan dhar ay ku ciidaan ama haddiyooyin ay ka heleen qoyska iyo qaraabada, kaliyah dagaal, gaajo iyo darxumo, iyadoo aysan muuqan xilliga uu dagaalkani dhamaanayo.

Nadiya Xamuuda oo ah hooyo gabadheedii looga dilay Gaza, ayaa iyada oo ku sugan teeno ku taala degmada Deyr Al-balax sheegtay in aysan sannadkaan u jirin ciid ay u dabaal dagaan.

“Marka aan maqalno aadaanka salaadda, waanu oynaa waxaan waxaan soo xusuusannaa kuwa aan dagaalka ku weynay iyo waxyaabaha kale ee aan luminnay, waxa nagu dhacay iyo sida uu xaalkeenna aha aka hor dagaalka.”

Gaza waxay aheyd mid liidata oo go’doonsan xittaa ka hor dagaalka, laakin dadka wali waa ay u dabaaldagi ijireen ciidaha, iyaga oo ka farxi jiray carruurta, isla markaana qoysaska iyo guud ahaan dadka ay isugu hambalyey jireen munaasbadda ciidda.

Hadda inta badan Gaza waa la burburiyay, shacabka magaalada ee gaarayay ku dhawaad 2.3 milyan oo ruux ayaa intoodii badneyd ka qaxay guryahooda, wixi ka danbeeyay dagaalki ay Isra’il ku qaaday Marinka Gaza, kaas oo daba socday weerarki ay isla bilowgi October Xamas ku qaadeen koofurta Israil.

Xamaas ayaa weerarkaas ku dishay ilaa 1,200 oo Israa’iiliyiin ah halka ay soo afduubteen ilaa 250 kale. Ciidamada Isra’il ayaa dagaalka ay ku qaadeen Gaza ku dilay in ka badan 37,000 oo ruux oo u badan dumar iyo carruur.

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in in ka badan hal milyan oo qof – ku dhawaad kala bar dadka Gaza ay qarka u saaran yihiin in todobaadyada soo socda ay gaajada heysa gaari doonto halka ugu sarreysa.