Zinedine Zidane Oo Ka Sheekeeyey Sharciga Aanay Cidina Aqoonin Ee Ay Real Madrid Sababta Uga Dhigtay In Jude Bellingham Uu Xidho No.5

0
118

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Zinedine Zidane ayaa qish weyn ka bixiyey sharciga Real Madrid ee ku qasbay Jude Bellingham in uu xidho lambarkii uu isagu u qaadan jiray kooxdaas ee No.5, isaga oo sidoo kalena daboolka ka qaaday sababtii keentay in uu xidho lambarkaas.

Jude Bellingham oo kooxdiisii hore ee Borussia Dortmund u xidhan jiray No.22 ayaa ay Real Madrid u gelisay No.5 oo waliba looga saaray Jesus Vallejo oo markii dambena kooxda laga diray.

Zinedine oo sannadkii 2001 ay Real Madrid lacag rikoodh jabis u ahayd adduunyada oo dhanayd €77.5 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Juventus, ayaa sannadkii 2002 waxa uu kula guuleystay Champions League isaga oo gool taariikhda galay oo fiili ahaa ka dhaliyey Bayer Leverkusen ciyaartii finalka.

Iyadoo lagu tiriyo mid ka mid ah ciyaartoydii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta ee khadka dhexe, ayaa waxa ay Real Madrid u xidhay No.5 oo waqtigaas layaab ku ahayd adduunyada, waxaana uu lambarkaas u rogay mid ay xidhaan halyeeyada Los Blancos.

Zidane oo uu garab fadhiyey Lionel Messi oo ay xayaysiis u wada qabanayaan shirkadda dharka ee adidas, ayaa waxa uu Messi weydiiyey sidii uu ku xidhay No.5, waxaana uu Zidane ku jawaabay: “Waa arrin layaab leh in aad aragto ciyaartoy No.10 ah oo xidhan No.5.

“Ciyaartoyga khadka dhexe ah layaab ayay ku tahay inuu xidho No.5, laakiin miyaad ogtihiin wixii dhacay? Florentino Perez ma jecla in ciyaartoydu xidhaan No.25, No.30 ama No.35. Waxa uu kasoo jeedaa jiil kale, waa sidii waqtiyadii hore ee 1 illaa 11 la xidhan jiray oo kale.

“Manolo Sanchis ayaa Madrid u xidhan jiray No.5, markii uu ka tegay ayaan aniguna u wareegay. Madaxweynuhu (Perez) wuxuu igu yidhi: “Miyaanad jeclayn in aad lambar ka xidhato 1 illaa 10?’, kaddibna waxa aanu dooranay No.5 sababtoo ah isagu ma aanu doonayn in aan xidho No.5, No.30 ama No.35. Wuxuu igu yidhi, ‘tani ma aha kubad-cad, waa American Football’, ugu dambayntiina waxa aan qaatay No.5.”

Zinedine Zidane oo kooxdiisii hore ee Juventus ee ay Real Madrid kasoo iibsatay u xidhan jiray No.25, ayaa waxa uu intaa ku daray: “Florentino wuxuu igu yidhi, ‘fadlan’, aniguna waxa aan ku idhi, ‘waa maalintii koowaad ee aad wax iga codsato, waan xidhanayaa, haye.’ Laakiin ugu dambayntii No.5 waxa uu igu yeeshay dareen weyn, sababtoo ah taariikhda ayuu ii galay.”

Hadalka Zidane ayaa loo qaatay, in Florentino Perez aanu u ogolaanin Jude Bellingham in uu xidho lambarkiisii hore ee No.22 ee uu Borussia Dortmund u qaadan jiray, sababtoo ah madaxweynaha Real Madrid ma jecla in ciyaartoydiisu ay xidhaan lambarro waaweyn.