Zidane oo ka hadlay tartanka horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan, kaddib guushii ay xalay ka gaareen Getafe

0
232

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa shaaca ka qaaday sababta uu Francisco Isco kaga maqnaa kulankii xalay Getafe ay ku wada ciyaareen horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Getafe oo marti ugu aheyd garoonka Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Zinedine Zidane kaddib ciyaarta, wuxuuna yiri:

“Isco wuu awoodi waayey inuu ciyaaro. wuxuu tababar la qaatay kooxda kaliya hal jeer mana uusan ciyaarin wax badan.”

“Qaabkii aan maanta u ciyaarnay waa mid aan caadi ahayn, waxayna naga dhigtay inaan ciyaar fiican ciyaarno ugu dambeyntii.”

“Waan ku faraxsanahay inaan ciyaarnay ciyaar fiican, inkastoo xiddigo badan ay naga maqnaayeen, waxaan ku ciyaarnay qaab cusub, laakiin arrimuhu si wanaagsan ayey ku socdeen.”

“Ciyaartooyda si fiican ayey u fahmeen habka cusub, taas oo ah mid wanaagsan marka aad u ciyaareyso qaab aanad horay ugu baran oo aad si fiican u muuqato.”

“Marcelo? wuxuu u muuqday si fiican, wuxuuna u ciyaaray si cajiib ah, waxaa soo gaaray dhaawac mana ogin hadii ay tahay anqawga ama dhaawac muruqa ah.”

“Si wanaagsan ayuu tababarka u qaadanayaa, wuxuuna doonayaa inuu kooxda caawiyo.”

Isagoo ka hadlayay farqiga u dhexeeya iyaga iyo hoggaamiyeyaasha Atletico Madrid, wuxuu yiri:

“Waxba isma beddelin. 51 dhibcood ayaa haray xilli ciyaareedka waana inaan la dagaallano oo aan sii wadno shaqada.”