Zelenesky oo ka falceliyay kulanka Trump iyo Putin.

0
11

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa hoosta ka xarriiqay in uusan wax heshiis dhul ah u sameyn doonin Ruushka ka hor kulanka la qorsheeyay ee u dhaxeeya Donald Trump iyo Vladimir Putin ee ku saabsan mustaqbalka dagaalka Ukraine.

Kulanka Mareykanka iyo Ruushka ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco Alaska 15ka Agoosto. Saacado ka hor inta aan lagu dhawaaqin kulanka, Trump waxa uu ka dhawaajiyay in laga yaabo in Ukraine ay ku qasban tahay inay bixiso dhul si loo soo afjaro dagaalka, kaasoo ka billowday duullaanka ballaaran ee Ruushka ku qaaday Febraayo 2022.

Zelensky ayaa qoraal uu soo dhigay Telegram ku sheegay Sabtidii in “Reer Ukraine aysan siin doonin dhulkooda kuwa qabsaday”.

Waxa uu ku celceliyay in Ukraine ay waajib ku tahay in ay ka qayb qaadato xal kasta oo nabada,waxaana uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo asxaabta si loo helo nabad “dhab ah” iyo “waarta”.