Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-77 qof oo looga shakiyay dambiyo la xiriira internet-ka oo la xiray bishii April ayaa 22 ka mid ah la xukumay.
Shirkadaha ay Shiinuhu maamulaan ee ka furan caasimadda Lusaka ayaa lala xiriiryay kiisaska dambiyada internet-ka ee kordhay dalka iyagoo bartilmaameed ka dhigtay dad ku nool meelo kala duwan oo adduunka ah.
Jimacaha ayaa la xukumi doonaan sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Waxaa kordhay kiisaska dadka u dhashay Zambia oo lacag ugu jirtay mobilada iyo bangiyada oo waayay
Dad u dhashay dalalka Singapore, Peru, Imaaraatka Carabta iyo qeybo kale oo Afrika ah ayaa lagu dhacay internet-ka sida ay sheegeen madaxda Zambia.
Kaddib maxkamadeyn socotay toddobaadyo 22 u dhashay Shiinaha oo ay ku jirto haweeney saddax dambi lagu helay ayaa la xukumay.