Yoon Suk-yeol oo loo doortay Madaxweynaha K/Koofureed

0
210

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Lee Jae-myung oo ah xisbiga talada haya ee Dimuqraadiga oo qirtay guuldarada subaxnimadii hore ee Khamiista, isaga oo ka raali galiyay taageerayaashiisa “guuldarradiisa”. iyadoo Mr Yoon uu guushiisa ku tilmaamay “guul ay gaareen dadweynaha”.

Labada musharax ayaa lagu eedeeyay inay wadaan olole aan wanaagsaneyn, waxaana ay ku kala baxeen wax ka yar 1% codadka.

Doorashadii Arbacadii dhacday ayaa si weyn loogu soo baxay, iyadoo in ka badan afar meelood saddex meel ay codkooda dhiibteen.

Walaaca ugu badan ee codbixiyeyaashu waxa ka mid ahaa qiimaha guryaha oo cirka isku shareeray, kobaca dhaqaalaha oo fadhiid ah, iyo shaqo la’aanta dhalinyarada.

Aqalka Cad ayaa horey hambalyo ugu diray Mr Yoon, isagoo sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu rajeynayo inuu sii ballaariyo xiriirka labada dal.