Yaa hooggaaminaya loollanka loogu jiro saxiixa David Alaba?

0
213

Juventus ayaa hadda lagu soo warramayaa inay hoggaanka u heyso raacdada loogu jiro saxiixa laacibka reer Austria, kaasoo gadood ka ah naadiga difaacaneyso Bundesliga, waxayse wararku sheegay inay Liverpool dardar kusoo gashay baacsiga xiddigan.

Warsidaha Tuttosport oo soo xiganaya Football Italia ayaa sheegaya in Bianconeri ay bartilmaameed muhiim ah ka dhigatay 28-jirka difaaca ka ciyaara, balse waxay hardan adag kala kulmeysaa kooxda heysata horyaalnimada Ingiriiska.

Reds ayaa dhexda kaga jirta walaac ka heysta dhanka difaaca maadaama ay haraadiyeen dhaawacyo kala duwan oo soo gaaray difaacyadeeda dhexe ee kala ah Joe Gomez iyo Virgil van Dijk, sidaas darteed, waxay hammineysaa inay qiimo jaban ku hesho bisha Jannaayo maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo xagaaga soo socda.