(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni). Labada tababare ee Pep Guardiola iyo Mauricio Pochettino ayaa caawa ku kulmi doona kulanka lugta hore ee afar dhammaadka Champions League, iyagoo kala hoggaaminaya labada kooxood ee Man City iyo PSG.
Kulankan ayaa ka dhacaya caasimadda Faransiiska, iyadoo hoggaamiyaha reer Argentine uusan jirin tababare ka badan inta uu xirfaddiisa Macallinnimo tababarihii hore ee Kooxda Barcelona.
Iyagoo ciyaaryahanno ah ayay xifaaltankooda ka soo bilaabeen kooxaha Barcelona iyo Espanyol, waxaana ay u soo gudbeen heerkooda Tababareennimo oo ay markale ku sii xifaatamayaan Pep Guardiola iyo Mauricio Pochettino.
Haddaba waxaa la is-weydiinayaa yaa guulo badan labadaan Tababare ka hor kulankooda caawa ee afar dhammaadka Champions League?:-
Labadaan Macallin ee Pochettino iyo Guardiola ayaa is-wajahay 18 jeer iyagoo Tababareyaal ah.
Hoggaamiyaha reer Spain ee Pep Guardiola ayaa guulo badan, waxaana Macallinka Kooxda Man City uu adkaaday 10 kulan.
Macalinka Kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa badiyey kaliya sadder jeer, halka shanta kulan ee kale ay barbaro ku kala baxeen.
Pep Guardiola: 10 Guul
Mauricio Pochettino: 3 Guul
Barbaro: 5 kulan