Xuutiyiinta oo todobaad gudihiis markab labaad oo xamuul ah ku quusiyay Badda Cas.

0
63

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Lix ka mid ah shaqaalihii saarnaa markabka ayaa la soo badbaadiyay ugu yaraan saddex kalena waa ay dhinteen ka dib markii markabka xamuulka ah ay weerareen Xuuthiyiinta Yemen.

Markabka ayaa degay ka dib markii ay Xuutiyiinta la bartilmaameedsadeen dhawr Madfac. Markabka Eternity C ee laga leeyahay dalka Liberia oo ka babanayay calanka dalka Giriiga ayaa waxaa la socday 25 shaqaale ah, sida ay sheegtay hay’adda ganacsiga badaha UK ee UKMTO.

Xuutiyiinta oo ay taageerto Iran ayaa sheegay in sababta ay u weerareen markabka Eternity C ay tahay inuu ku kus ii jeeday Israa’iil, waxayna sheegeen in ay la tageen shaqaale aan tiradooda la garanayn.