Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gantaal laga soo riday Yemen ayaa saakay ku dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ugu weyn Israa’iil ee Ben Gurion, sida ay sheegtay dowladda Israa’iil.
Muuqaal aan la xaqiijin oo online-ka lasoo dhigay ayaa muujinaya waxyeellada gantaalka oo ku dhacay garoonka oo ku yaalla duleedka Tel Aviv.
Afar qof ayaa ku dhaawacmay gantaalka, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil oo soo xiganeysa waaxaha gargaarka degdegga ah.
Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil, Israel Katz, ayaa war-saxaafadeed ku yiri: “Qof walba oo nasoo weerara, waxaan ugu jawaabeynaa mid toddobo jeer ka daran”.
Afhayeenka militariga Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa isagana sheegay in garoonka Israa’iil uusan hadda ahayn mid ammaan ah oo lagu safri karo.
Garoonka ayaa haatan dib u bilaabay duullimaadyada, kadib markii si ku meel-gaar ah loo hakiyay.