Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maalinta Caalamiga ah ee Ka-hortagga Shaqaysiga Carruurta waxaa markii ugu horreysay la aas-aasay sannadkii 2002-dii Ururka Shaqaalaha Adduunka (ILO) si loogu soo jeediyo dareenka joogtada ah ee ku saabsan shaqada carruurta iyo in dib loo eego xeeladaha lagu ciribtirikarayo.
Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa isaga oo qiraya baaxadda shaqaalaynta carruurta, waxa uu si wada jir ah u meel mariyey qaraar sheegaya in 2021 uu yahay sannadka caalamiga ah ee ciribtirka shaqada carruurta, waxana uu ILO ka codsaday in ay hormuud ka noqoto dhaqangelintiisa.
Cabdullaahi Cabdicasiis Siraad.ayaa warbixintan ku eegaya