Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa goor dhow soo idlaatay ciyaartii u dhexeysay xulalka qaranka Egypt iyo Morocco ee ka tirsaneyd wareegga rubac dhammaadka tartanka qarammada Africa ee AFCON 2021, waxayna guusha raacday xulka Masar oo u gudbay wareegga afar-dhammaadka ee tartanka.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Morocco.
Daqiiqadii 7-aad ee bilowgii ciyaarta xulka qaranka Morocco ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay laacibkooda Sofiane Boufal, dheesha ayaa sidaas ku noqotay 0-1.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
53 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay xulka qaranka Egypt ayaa dhaliyay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay weeraryahankooda Mohamed Salah.
Labada xul ayaa is mari waayay 90-kii daqiiqo ee lagu daray, waxaana loo baahday in 30 daqiiqo oo dheeri ah lagu daro isla markaana 120 daqiiqo la gaarsiiyo kulanka.
Markaanse, daqiiqaddii 100-aad ee ciyaarta, waxaa goolka guusha xulka Masar u dhaliyay Mahmoud Ahmed Ibrahim Hassan, oo loo yaqaano Trézéguet kaasoo ciyaarta ka dhigay 1-2 isla markaana xulka ugu guulaha badan tartankan u diray wareegga xiga ee nus-dhammaadka.