Xulka qaranka England oo u gudbay wareega 16-ka ee koobka EURO 2020 kaddib markii uu guul ka gaaray Czech Republic

0
195

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka England.

Daqiiqadii 12-aad xulka qaranka England ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Raheem Sterling, kaddib markii uu caawin qurux badan ka helay saaxiibkiis Jack Grealish.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaantay 0-1 uu kaga adkaaday Xulka qaranka England dhigiisa Czech Republic, haddaba xulalka England iyo Croatia ayaa ka soo gudbay Group D, waxayna iska xaadiriyeen wareega xiga 16-ka  Koobka Qaramada Yurub ee EURO 2020.

SAWIRRO:

Image