Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Xulka Croatia ayaa u gudbay wareega afar dhammaadka ee koobka adduunka, kaddib markii ay rigoorayaal 4-2 ah ku garaaceen dhigooda Brazil, kaddib ciyaar leysku daalay oo ku soo idlaatay barbardhac 1-1 ah.
Qeybta hore ee ciyaarta ayey labada xul qaran Croatia iyo Brazil ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
90-ka daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galay ayaa waxay ku soo idlaatay barbardhac 0-0 ah waxaana lagu daray 30 daqiiqo dheeri ah.
Daqiiqadii 105 + 1-aad xulka qaranka Brazil ayaa hoggaanka u qabtay hoggaanka kaddib markii uu 0-1 ka dhigay Neymar, kaddib markii uu ka caawiyay saaxiibkiis Paqueta.
117 daqiiqo marka ay dheesha mareysay xulka Croatia ayaa dhaliyay goolka barbardhaca kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Bruno Petković oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Mislav Oršić.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay barbardhac 1-1 ah, waxaana rigoorayaal 4-2 ah ugu soo gudbay wareega xiga ee afar dhammaadka xulka qaranka Croatia.