Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay qiimo kororka ku yimid Shidaalka.

0
209

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Iyada oo maalmihii la soo dhaafay sicir barar xoogan laga dareemayay qiimaha la iibiyo Shidaalka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa war kasoo saartay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Wasaraadda Ganacsiga & Warshadaha ee Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan qiimo kororka ku yimid shidaalka Caalamka, isla markaana dadaal ku bixinayaan la
socodka isbadalka iyo qiimo kororka ka jira suuqyadda Caalamiga ah ee uu sababay Dagaalka u dhexeeya Ruusha iyo Ukraine.

” Waxaanna ganacsatada Soomaaliyeed ee keenta Shiidaalka Wasaaraddu fareysaa in
Dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala Shidaalka gaar ahaan gaadiidleyda, Shirkadaha Korontada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ay si naxaris
leh oo ay ku jirto dal jaceyl iyo damqasho ay ula macaamilaan.