Xukuumadda Somaliya oo Hay’adda IOM kala hadashay xal u helida Abaaraha

0
266

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiska ku qaabbilay wafdi ka socday hay’adda caalamiga ah ee Socdaalka IOM,iyadoo wafdigaa uu hoggaaminayay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee IOM, Mudane Maxamed Abdikheer.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa wada-hadal ay yeesheen, waxaa diirrada lagu saaray xal u helida caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan dhallinyada Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale kullanka baaq loogu diray ganacsatada iyo qurba-joogta si looga mira-dhaliyo dadaallada lagu gaarayo fursado horumarin.

Waxaa kalo laga hadlay taageerrada, xaaladaha abaaraha ee dalka ka jira, dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.

“ IOM waxay ka mid tahay hay’adaha wada shaqaynta aan la leenahay, doorka horumarinta ee bulshada oo ay uga horreeyaan dhallinyarada in la dardargaliyo ayaa muhiimad inoo leh.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab.

Mudane Maxamed Abdikheer, Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda IOM ayaa ka mahadceliyay wada shaqaynta iyo dadaallada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu sidoo kale la wadaagay wasiirka marti-qaad shir heer wasiirro ah oo looga hadlayo arrimaha socdaalka iyo wax ka qabashada xaaladaha shaqo yari ee waddamada gobolka.

“ Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay inaan xoojinno xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.” ayuu ku daray Maxamed Abdikheer.

Kulanka waxaa goobjoog u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, Wakiilka Hay’ada IOM u qaabilsan arimaha Soomaaliya iyo saraakiil kale oo hay’adda ka tirsan.