Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Duran Axmed Faarax ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa WFP Soomaaliya Mudane El-Khidir Daloum.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha abaarraha dalka ka jira iyo sidii loo fududayn lahaa duulimaadyada Gargaarka sidii ay deg deg ugu gaari lahaayeen goobaha loo qorsheeyay
El-Khidir Daloum Ayaa Wasiir Duran Farah uga mahad celiyay sida Xukuumadda Soomaaliya ay u fududaynayso hawllaha gurmadka abaaraha, waxaana uu sheegay in dhankooda ay ku dadaalayaan in dadka cunada u baahan gargaarku si dhaqse ah u gaaro.
Ugu dambayn Wasiirka Gaadiidka ayaa boggaadiyay dadaalka WFP waxaana uu dhanka kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan iskuma gargaaraan.