Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xukuumadda Jabuuti ayaa kordhisay muddada ay u qabatay dadka ajnabiga ah ee sida sharci darrada ah ku jooga dalka inay isaga baxaan.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Jabuuti ayaa sheegtay in ay shan maalmood ku kordhisay tarxiilka dadka sharci darrada ku jooga, taasoo looga gol-leeyahay in shantaas maalmood shaqaalaha ajaanibta ah la siiyo fursad ay xuquuqdooda uga qaataan loo shaqeeyeyaasha.
Sidoo kale, waxaa muwaadiniinta Jabuuti la faray inay qaataan warqadaha aqoonsiga ee muujinaya muwaadinnimadooda “si ciidanka amniga amniga loogu fududeeyo shaqadooda”.
Dadka haysta warqadaha qaxootiga ayaa iyagana la sheegay in xeryaha qaxootiga dib loogu celin doono.
Qabqabashada dadkan ayaa la filayaa inay bilaaban doonto todobaadka soo socda.