Gudoomiyaha Maxkamada gobolka Mudug ayaa sheegay in Maxkamada la horkeenay Afar ruux oo labo ka mid ah ay yihiin dumar, islamarkaana ay go’aansadeen in Saddex ka mid ah lagu xukumo Lix sano oo xabsi ah oo uu ka reeban yahay cafis Madaxweyne.
Guddoomiye Sanyare oo ka hadlayay fagaare lagu burburinayay 20 kartoon oo khamri ah, ayaa faray dhamaan laamaha Amniga Magaalada Gaalkacyo in ay amar buuxa uqabaan cidkasta oo lagu helo in sharciga la waafajiyo, cidii la dagaalantana ay toogtaan.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Mudug ayaa ugu baaqay shacabka inay ka qayb qaataan dagaalka lagula jiro maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada, waxaana uu sheegay in dagaalkooda iyo howlgalada gobalka loo weeciyay dhanka la-dagaalanka maandooriyaha.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa aysan marnaba aqbali doonin in falal amni daro oo ku saleysan khamriga ay ka dhacaan degaanada gobolka Mudug.