Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaalada Dhaawaca David Alaba & Haddii Uu Gabi Ahaanba Seegayo Kulanka Adag Ee Man City

0
225

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxa xogihii ugu dambeeyay laga helayaa xaalada dhaawaca daafaca dhexe ee Real Madrid ee David Alaba kahor kulanka aadka muhiimka u ah ee ay habeen dambe ku qaabilayaan Manchester City gegida Santiago Bernabeu.

Labada kooxood ayaa toddobaad kahor kusoo kulmay magaalada Manchester iyadoo kooxda difaacanaysa Premier League ay guul 4-3 ah ka gaadhay dhigeeda Sabtidii kusoo guuleysatay horyaalka La Liga.

Real Madrid oo labadii wareeg ee horeba  kulamo taariikhi ah kusoo ciyaartay Bernabeu ayaa filanaysa inay markale soo laabasho samayso oo tartanka ka cidhib tirto Pep Guardiola iyo kooxdiisa.

War aan u fiicnayn taageerayaasha Los Blancos ee guusha soo laabashada ah rajaynaya habeen dambe ayaa ah in Alaba ay wararka oo dhammi sheegayaan inay u badantahay inuu seego kulankaas.

Il-wareedka Deportivo Carrusel ayaa sheegay in David uu shalay tababarka Real Madrid isagu kaligii gaar u qaatay isla markaana ay tahay wax aan macquul ahayn inuu diyaar u noqdo ciyaarta habeen dambe.