Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo la kulmay madaxda Boqortooyada Sacuudiga.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa Isniintii shalay gaaray dalka Sacuudiga, isagoo madaxda Boqortooyada Sacuudiga kala hadlay xabad joojinta Isaa’iil iyo Xamaas iyo masiirka Marinka Gaza hadii dagaalka la soo afjaro.

Dibloomaasiga sare ee cusub ee Mareykanka ayaa la kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Faysal Bin Farxaan.

Wada hadalka mas’uuliyiinta ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku baaqay in 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah laga raro Gaza lana geeyo dalalka deriska la ah, iyadoo Mareykanka uu markaas dib u habeyn ku sameeynayo dhulka ciriiriga ah ee ku teedsan badda Mediterranean-ka.

Qorshahaas ayaa waxaa dhaliilay oo kasoo horjeestay Sacuudiga iyo dalalka kale ee Caraba. Waxaa sidoo kale saluugay madaxda dalal badan oo xulafo la ah Mareykanka.

Rubio iyo Mohamed Bin Salmaan waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay isku-dubaridka Gaza, arrintaas oo gacan ka geysaneeysa amniga gobolka, sida ay sheegtay afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda Mareeykanka.