Xiriirka UEFA Oo Isbeddel Ku Samaysay Qaabka Isreeb-reebka Koobka Adduunka Iyo Euro Cup.

0
162

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa isbeddel ku sameeyey jadwalka iyo qaabka isreeb-reebka ay dalalka qaaraddaasi u galaan Koobka Adduunka iyo tartanka qaramada Yurub. 32 waddan oo Yurub ah ayaa ka qayb-gala isreeb-reebka Koobka Adduunka hase yeeshee waxa la kordhiyey dalka oo laga dhigay 48 waddan.

Guddida fulinta ee UEFA ayaa kulan ay yeesheen waxay go’aan ku gaadheen inay isbeddel ku sameeyaan marxaladaha isreeb-reebka ee dalalka qaaraddaasi u galaan Koobka Adduunka, iyadoo la kordhinayo tirada dalalka ls isugu geeyo hormooyinka oo noqon doona min afar ama min shan dal oo 12 hormo ah.

Kooxaha ama dalalka kaalmaha koowaad ka gala hormooyinkooda ayaa si toos ah usoo gudbi doona, halka kooxaha kaalmaha labaad ku dhamaystana la iskugu aaddin doono min laba. Isreeb-reebka qaabkan ayaa waxa loo isticmaali doonaa tartanka Euro 2024, iyadoo laga guurayo sidii hore ay dalalku isreeb-reebka usoo geli jireen.

Waxa kale oo UEFA ay go’aamisay inay kordhiso tirada kulamada tartanka UEFA Nations League iyadoo sidoo kalen afartii dal ee tooska u iman jiray semi-finalka loo rogi doono qaab hormo oio kale ah oo lagu soo dari doono naadiyada kaalmaha labaad kusoo baxa.